Hamza Warfa, oo horey u ahaan jiray la-taliye sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa si cad u sheegay wareysi uu bixiyay, in ay isa soo taraya saadaal iyo hadal hayn ku saabsan in Dowladda Mareykanka ay qorsheyneyso inay wadahadal la furto kooxda hubeysan ee Al-Shabaab, si loo soo afjaro colaadda muddada dheer ka jirtay Soomaaliya.
Hamza Warfa wuxuu sheegay in ay noqotay wax aan macno samaynaynin in lacag malaayiin dollar ah lagu bixiyo dagaal milatari oo aan horumar muuqda laga gaarin, Wuxuu tilmaamay in xalka Soomaaliya aanu ku imaan karin keliya dagaal, balse loo baahan yahay in la tixgeliyo wadahadal, sida Mareykanku horey ugu sameeyay meelo kale oo uu colaado ka jiray, sida Afghanistan.
Warfa wuxuu hoosta ka xariiqay in maamulka Trump laga yaabo inuu durba bilaabay xiriirro qarsoodi ah oo uu la leeyahay Al-Shabaab, haddii ay taasi run noqoto, waxay noqon kartaa tallaabo weyn oo laga yaabo in lagu soo afjaro dagaalka ragaadiyay Soomaaliya muddo ku dhow 20 sano.
Sidoo kale, Warfa wuxuu sheegay inuu qorsheynayo inuu la kulmo saraakiil ka tirsan maamulka Trump si uu ugu dhiirrigeliyo inay si dhab ah uga shaqeeyaan wadahadalladaan, oo uu ku sheegay ujeedkoodi in la ilaaliyo danaha Mareykanka iyo in dadka Soomaaliyeed la siiyo fursad ay ku helaan nabad iyo nolol wanaagsan.
Falanqeeyeyaasha ayaa aaminsan in haddii Mareykanku dhab ahaan u furmo wadahadal Al-Shabaab, inay noqon doonto isbeddel weyn oo siyaasadeed oo laga yaabo inuu furo waddo cusub oo nabadeed, Laakiin su’aashu waxay tahay: diyaar ma u yihiin dhammaan dhinacyadu in ay miiska wadahadalka fadhiistaan si ay u helaan xal waara?