Home Wararka Maanta Mareykanka oo Digniin kasoo saaray duqeymaha joogtada ah ee lagu hayo Laascaanood

Mareykanka oo Digniin kasoo saaray duqeymaha joogtada ah ee lagu hayo Laascaanood

0

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay inaan la aqbali karin duqeymaha aan kala joogsiga laheyn ee lagu garaacayo shacabka Magaalada Laascaanood oo dagaalo ay ka socdaan maalintii 5aad

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Afrika u qaabilsan Waaxda arrimaha dibeda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka.

“Duqaymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka rayidka ah ee Laascaanood waa wax aan la aqbali karin waana in la joojiyo”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Afrika.

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay inay waajib tahay inaan la carqaladeyn Gargaar Bini aadannimo oo la gaarsiiyo dadka uu saameeyay dagaalka, wuxuuna ku baaqay in wixii khilaaf ah wadahadal lagu dhameeyo.

Hadalka kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli Maalintii shanaad oo xiriir ah uu Magaalada Laascaanood ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka oo diidan Maamulka Muuse Biixi.

Ugu yaraan 50 qof oo ay ku jiraan caruur haween iyo dad kale oo shacab ah ayaa laagu dilay dagaalka shanta maalmood ka socda Laascanood, waxaana ku dhaawacmay dad ku dhow 150 kale, welina ma jiraan calaamado muujinaya in dagaalku joogsanayo ama lagu kala adkaanayo.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDhimashada Dhulgariirka Dalka Turkiga oo Mareysa 21,000 kun oo Qof
Next articleMadaxweynaha Eritrea oo ka laabtay go’aan culus oo uu 10 sano ka hor gaaray