Home Wararka Maanta Mareykanka oo cadeeyay mowqifkiisa qorshaha Ciidamada ATMIS looga Saraayo Soomaaliya

Mareykanka oo cadeeyay mowqifkiisa qorshaha Ciidamada ATMIS looga Saraayo Soomaaliya

0

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay mowqifka Mareykanka ee ku aadan qorshaha ka bixitaanka ATMIS (ex-AMISOM) ee Soomaaliya.

Danjire Larry Andre ayaa waxa uu sheegay in dowladiisa ay taageersan tahay qorshahan, isaga oo ku tilmaamay mid muhiim ah oo u baahan isku-dubarid iyo wada-shaqeyn labada dhinac ah, si loo dhameystiro guulaha nabada iyo amni kusoo dabaalida dalka.

“Waa muhiim qorshaha kala guurka ee xiliga ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay kala wareegayaan amaanka dalka, islamarkaana ka bixitaanka ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ayna amniga la wareegto dowladda dhamaadka 2024-ka,” ayuu yiri.

“Waxaa loo baahan yahay qorshe iyo isku-dubaridid howlahaas oo wada-jir ah oo si wanaagsan la iskula shaqeeyo ayna AMISOM door muhiim ah ay ka ciyaarto sidii loo dhameystiri lahaa guulihii nabadda iyo amni kusoo dabaalida ee qorshuhu ahaa ayaga oo tallaabo kasta la kaashanaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.”

Sidoo kale waxa uu xusay in Mareykanka uu taageero ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa gaarka u ah dowlad-goboleedka, ayna ka go’an tahay joogteynta howl-galada socda ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab.

“Waxaa siina tababaro iyo qalabeyn intaba sidoo kale waxaa wada-shaqeyna dhamaan ciidamada qeybahooda sida ciidanka Gorgor oo iyagana tababareen Turkiga, si guud ahaan ayaa u horumarinayna ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya nooc walba oo ay yihiin.”

“Meelaha aan ka caawino waxaa kamid ah sida saadka iyo qorsheynta, sidoo kale ciidanka Midowga Afrika ayaa qeyb ka ah taageerada ciidanka qalabka sida, Qaramada Midoobey iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah ayaa door muhiim ah ku leh garab istaaga ciidanka.”

Tayada ciidamada dowladda federaalka ayaa kusoo baxday howl-galada millateri ee laga qaaday gobolada HirShabelle iyo Galmudug, taasi oo muujisay in ciidamada Soomaalida ay isku filan yihiin haddii laga taageero waxyaabaha muhiimka ah.

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha

Warar laga helayo Dagaal ka Socda Galmudug gaar ahaan Deegaanka Haamcaduur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay tuulada Haamcaduur oo hoostagta deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada deegaanka iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalka ayaa la

UK oo kordhisay Kaalmada ay siiso Ciidanka Dowlada somaliya Xili uu jiro Dagaalka Shabaab

Iyadoo Soomaaliya ay wajahayso halis amni oo cusub oo ka imaanaysa Al-Shabaab oo markale xoogeysanaya, ayaa Boqortooyada Midowday ee UK waxay kordhisay taageerada ay siiso Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF). UK

Dalka Mareykanka oo lagu Xiray Muwaadin Somali ah oo lala Xiriirinayo dambiyo maandooriye

Saraakiisha Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka gaar ahaan Waaxda Blaine, Washington, ayaa xiray Muwaadin Soomaali ah oo taariikh dembi ku lahaa dalkaasi Mareykanka maadama lala xiriiriyay isticmaalka iyo dambiyada ka dhaca
Ad
Previous articleGo’aano ay Dagaalka kula soo Biiraayaan Itoobiya Kenya Iyo Jabuuti oo Muqdisho lagu kala Saxiixday(Sawiro)
Next articleQoor Qoor oo Maantay Ciidamado Maraykan ah kula kulmay Magaalada Hobyo Muxuu kala Hadlay?