Home Wararka Maanta Mareykanka Oo $10 Milyan Ku Raadinaya Maxamud Cabdi Adan oo Ka...

Mareykanka Oo $10 Milyan Ku Raadinaya Maxamud Cabdi Adan oo Ka Tirsan Alshabaab iyo Waxa Uu Sameeyey

0

Mareykanka ayaa ku dhawaaqaya abaal-marin lacageed oo gaareysa 10-milyan oo doollar ciddii keenta xog ku saabsan Maxamuud Abdi Aden iyo dadkii kale ee mas’uulka ka ahaa weerarkii hotel DusitD2 ee 2019-kii, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 22 qof oo uu ku jiray muwaadin Mareykan ah.

Agaasimaha Waaxda Dembi-baarista ee DCI ee Kenya Amiin Maxamed Ibraahim iyo Safiirka Maraykanka ee dalka Kenya Meg Whitman oo shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay xarunta Dembi-baarista Kenya ayaa ku dhiirrageliyay dadweynaha inay lasoo xiriiran hay’adaha ammaanka haddii ay hayaan ama ay helaan xogta iyo muuqaalka ‘eedeysane’ Maxamuud Cabdi Aden.

“Waxaan maanta ku dhawaaqayaa abaal-marin lacageed oo dhan 10 milyan oo dollar ciddii keenta xog lagu soo xiro Maxamuud Cabdi Aadan iyo kooxdii ka caawisay ama gacanta ka geysatay weerarkii hotel DusitD2” ayay tiri safiirka Mareykanka ee Kenya Meg Whitman.

Kooxda xiriirka la leh al-Qaacida ee Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii 15-kii Janaayo, 2019 ee dhismaha hoteelka DusitD2, oo socday ku dhawaad 20 saacadood, taas oo ay ku dhinteen ugu yaraaan 21 qof, oo uu ku jiro muwaadin Mareykan ah.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Madax Daacish ee Gobalka Bari Puntland oo La Dilay
Next articleQaar Ka Mid ah Dadkii Shalay Ka Qayb Qaatay Banaanbixii ka Dhacay Muqdisho oo Xalay la wareeraray