Laba nin oo Soomaali ah oo ku nool magaalada Tucson ee gobolka Arizona ee dalka Mareykanka ayaa xukun lagu riday kaddib markii lagu helay dambi ah inay maleegeen qorshe ay dibadda ugu safrayaan si ay ugu biiraan koox argagixiso Islaami ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.
Toddobaadkii hore, xaakim ka tirsan maxkamad degmo oo Mareykan ah ayaa xukun ku riday Maxamed iyo Xuseen, sida lagu sheegay war kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka ee Gobolka Arizona.
Maxamed ayaa lagu xukumay 11 sano oo xarig ah, halka Xuseen lagu riday xukun ah siddeed sano ah oo ay ku xigi doonto sii-dayn ay la socon doonto kormeer inta noloshiisa ka dhiman, sida ay xeer-ilaaliyeyaashu sheegeen.
Xeer-ilaaliyeyaashu waxa ay intaa ku dareen in labada nin laga tarxiili doono dalka Mareykanka dibna loogu celin doono Soomaaliya marka ay dhammeystaan muddada xukunkooda.
Xeer-ilaaliyeyaashu waxa ay tilmaameen in riyada keliya ee Maxamed ay ahayd inuu aado Suuriya, kuna biiro Daacish, ugana barbar-dagaallamo.
Isaga iyo Xuseen ayaa kulmay sannadkii 2019-kii si ay uga wada hadlaan qorshahooda. Xilligaas, Xuseen ayaa sheegay inay tahay inay weeraraan Aqalka Cad haddii mas’uuliyiinta Mareykanka ay ka hor istaagaan inay u safraan dibadda si ay u geystaan falal argagixiso ah, sida ay xeer-ilaaliyeyaashu iftiimiyeen.
Hase yeeshee, hay’adda dambi-baadhista ee FBI-da ayaa ku qabatay gudaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Tucson ka hor intaysan raacin diyaaraddii ay ku bixi lahaayeen.