Home Wararka Caalamka Maraykanka Oo Xamaas Ugu Baaqay Inay Aqbalaan Hindisaha Cusub Ee Israa’iil

Maraykanka Oo Xamaas Ugu Baaqay Inay Aqbalaan Hindisaha Cusub Ee Israa’iil

0

Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay Isniintii inuu ku rajo weyn yahay in Xamaas ay aqbasho, waxa uu ugu yeedhay, dalabka “deeqsinimada ah ee aan caadiga ahayn” ee Israa’iil, kaas oo ku saabsan, heshiis xabbad-joojineed oo laga gaadho colaadda Qaza iyo in la sii daayo la haystayaasha Israa’iil.

“Xilligan la joogo, waxa ay sugayaan shacabka Qaza iyo heshiis xabbad-joojineed oo la gaadho waa Xamaas” ayuu ka sheegay Blinken oo ku sugan Riyadh, isaga oo safar ku gaalaa bixinaya dalalka bariga dhexe, si xal natiijo looga gaadho wadahadalada socda ee la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil.

Wefti ka socda Xamaas ayaa Isniintii gaadhayey dalka Masar, halkaas oo Qatar ay isku dayayso inay xal u hesho dagaalka Qaza iyo sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista xidhan.

Dhinaca kale Blinken ayaa ka sheegay Riyadh, inay meel gebogebo ah marayso, heshiis dhinaca amniga ah oo ay la gelayaan Sucuudiga, kaas oo la dhamaystiri doono haddii Sucuudigu uu heshiis nabadeed la galo Israa’iil.

Wasiirka ayaa intaas raaciyey in labadii bilood ee ugu dambeeyey ay labada dal, ka wada shaqeeyey hawlo culculus, oo ku aaddan, sidii loo hagaajin lahaa xidhiidhka Israa’iil iyo Sucuudiga.

Ad
Previous articleNinkii Toogtay Axmed nor Tooxow oo Ka yimid Aaska Abtigiis oo Lasoo Qabtay
Next articleDowlada Jabuuti oo dalkeeda ka masaafurisay xildhibaan u ololeeya aqoonsiga Somaliland