Home Wararka Maanta Maraykanka oo Taageeray in Ciidamada Itoobiya Ka Baxaan Soomaaliya

Maraykanka oo Taageeray in Ciidamada Itoobiya Ka Baxaan Soomaaliya

0

Magaalada Washington waxaa todobaadkan ku sugnaa wafdi ka socday dowladda Federalka Soomaaliya oo ka qeyb galayay shir ku saabsan arrimaha ammaanka Soomaaliya, waxaana ajendaha ku jirtay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Shirkan waxaa ka qeyb galay kooxda la isku yirahdo QUINT ee Soomaaliya ka caawinaya dhinaca amaanka oo ka kooban Mareykanka, Britain, Turkey, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo Soomaaliya ku taageeray go’aanka ay howlgalka ATMIS bedelaya uga reebeyso ciidamada Itoobiya.

Wafdiga Soomaaliya shirka uga qeyb galay waxaa ka mid ahaa Xuseen Macalin Maxamud, oo ah la-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna shirkaas uga waramay VOA.

Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay in shirkaan uu yahay kii 7-aad, “waxaa na marti qaaday dowladda Mareykanka, shirarkii ka horeeyey waxaa marti geliyey Qatar, Imaaraadka iyo dalal kale, waxaana diiradda lagu saaray shirkaan amniga Soomaaliya,” ayuu yiri Xuseen Macalin.

Dib u habeynta ciidamada qaranka Soomaaliya, qalabeyntooda iyo taageerada ay u baahan yihiin ayuu sheegay in si weyn la isaga warsaday, “Sidoo kale waxaa la iska warsaday dagaalka Al-Shabaab,” ayuu yiri.

La-taliye Xuseen Macalin ayaa sheegay in ajendaha ay ku jirtay sida laga yeelayo Soomaaliya markii uu dhamaado howlgalka ATMIS, “shirka waxaan ka sheegnay in Soomaaliya aysan ogoleyn in howlgalka bedelaya ATMIS ay ciidamada Itoobiya ka mid noqdaan,” ayuu yiri.

“Dalalka naga taageera dhanka amaanka waa nagu garab istaageen doodeena, waxayna noo sheegeen inay tahay dood xaq ah, waxaana hoosta laga wada xariiqay in xoogga la saaro sidii looga adkaan lahaa Khawaarijta,” ayuu hadalkiisa ku sii daray La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin.

Sidoo kale waxaa la weydiiyey qorshaha Masar iyo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in labada dalka ay galeen heshiis difaac oo xaq ay u leeyihiin, isagoo baqdinta ay Itoobiya muujisay ku tilmaamay boor isku qarin iyo calaacal aysan Soomaaliya dheg jalaq u sii doonin.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo maanta gaaray Furuumaha hore ee Dagaalka:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal oo uu ka hoggaaminayo hawlgallada xoreynta deegaannada

Sarkaal Dhawaan kasoo goostay Kooxda Daacish oo isoo Meyd ah la helay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari , ayaa sheegaya in uu geeriyooday Cabdiraxmaan Shirwac Aw Siciid (Laahoor) oo horey uga tirsanaa saraakiisha sar sare ee kooxda Daacish,

Turkiga oo Muqdisho Keenay Diyaaradaha Bayraktar Akıncı ee Dron-ka ah

Sida aan xogta ku heleyno dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho maanta keentay labo diyaaradood oo nuuca dagaalka ah, kuwaa oo loogu tala galay in ciidanka xoogga dalka  Soomaaliya ka caawinayaan

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Lubanaan oo Qaraxyo Gilgileen
Next articleBoris Johnson oo daaha ka qaaday xogta dhacdo xasaasi ah oo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu uu kula kacay,