Home Wararka Maanta Maraykanka oo Si Cara leh uga Hadlay Xariga Lagu Xukumaya Natayaahuu

Maraykanka oo Si Cara leh uga Hadlay Xariga Lagu Xukumaya Natayaahuu

0

Mareykanka iyo qaar kamid ah dalalka Yurub ayaa ka falceliyay amarka ka soo baxay, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ee lagu soo xirayo, raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kaas oo loo heysto eedeymo la xirriira dembiyo dagaal oo uu ka geystay Qasa.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa go’aanka maxkamadda ku tilmaamay wax aan macquul gal ahayn, isago sheegay in Israa’iil, oo ah xulafada Mareykanka lala barbar dhigay Xamaas.

Balse mas’uuliyiinta ka tirsan Midowga Yurub, Ingiriiska, Fransiiska, Talyaaniga iyo Holland, ayaa dhamaantood soo saaray bayaan ay ku taageerayaan go’aanka ka soo baxay maxkamadda ICC.

Maadaama ay saxiixeen xubinnimada maxkamadda, waxay haatan awood u leeyihiin inay xiraan Benjamin Netanyahu, hadii uu booqdo dalalkooda.

Maxkamadda ICC oo fadhigeedu yahay dalka Holland, ayaa sidoo kale soo saartay amar lagu soo xirayo, wasiirkii hore ee gaashaandhigga Israa’iil, Yoav Gallant, iyo taliyaha militariga Xamas, Maxamed Al-Dheyf, inkastoo Israa’iil ay sheegtay in Maxamed lagu dilay, duqeyn bishii July ka dhacday magaalada Qasa.

Saddexda nin ayaa loo heystaa dambiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah aadanaha intii uu socday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.

Israa’iil iyo Xamaas ayaa labaduba iska fogeeyay eedahan, ha yeeshee Xamaas ayaa dhankeeda soo dhaweysay waaranka Netanyahu iyo Gallant, iyagoo sheegay in ay ka dhigan tahay taariikh muhiim ah.

Netanyahu ayaa cambaareeyay amarka lagu soo xirayo, isagoo maxkamadda ku tilmaamay “cadow bini’aadanimo”.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleBaarlamaanka Soomaaliya oo Beri Talaabo Culus Qaadi Doona
Next articleWar Deg Deg ah:Dagaal ka Qaraxay Kismaayo