Home Wararka Maanta Maraykanka oo ka Hadlay Doorashadii Soomaalland Cirana Farin udiray

Maraykanka oo ka Hadlay Doorashadii Soomaalland Cirana Farin udiray

0

War qoraal ah oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay natiijada kasoo baxday doorashadii ka dhacday Somaliland ee uu ku guuleystay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro).

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in doorashada ka dhacday Somaliland ay tusaale u tahay Geeska Afrika, wuxuuna boggaadiyay hoggaanka iyo shacabka maamulkaasi.

“Sooyaalka doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Somaliland iyo xil wareejinta sida nabad ah ku dhacda waxay tusaale u yihiin Gobolka Geeska Afrika iyo meelaha ka baxsan,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Mareykanka ayaa guul u rajeeyay madaxweynaha cusub ee la doortay, wuxuuna ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.

Cirro iyo ku-xigeenkiisa ayaa musharaxa Kulmiye uga guuleystay ku dhowaad 200 kun, taas oo muujineysa sida shacabka reer Somaliland u naceen xukunka Muuse Biixi oo intii uu tallada hayay ku kacay gabood-falo waa wayn.

Cabdiraxmaan Ciro oo shacabka Somaliland ay cod aqlabiyad ah ku doorteen ayaa haatan Somaliland hoggaamin doona shanta sano ee soo socota.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Jubaland oo ku Dhawaaqday Xildhibaanada Cusub ee Jubaland
Next articleLaftagareen oo Walaalkiis kusoo Daray Golaha Shacabka Soomaaliya