Home Wararka Maanta Maraykanka oo ka digaya masiibo deegaan oo ka dhalan karta badda cas

Maraykanka oo ka digaya masiibo deegaan oo ka dhalan karta badda cas

0

Maraykanka ayaa ka digaya masiibo deegaan oo ka dhalan karta badda cas ka dib weerar ay fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadeen markab shidaal usbuucii hore.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa goor dambe oo Axadii ahayd, u soo jeedisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in uu ” cambaareeyo” weerarka Xuutiyiintu ay ku qaadeen MT Delta Sounion.

“Ficilada naxariis darada ah ee Xuutiyiintu waxay halis ku yihiin inay abuuraan masiibo deegaan oo cawaaqib xun ku leh gobolka,” ayay Linda Thomas-Greenfield ku soo qortay barteeda X.

Waxay sheegtay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu dalbado in si degdeg ah loogu hoggaansamo qaraarkii bishii Janaayo ee Xuutiyiinta ugu baaqaya inay si degdeg ah u joojiyaan weerarrada ay ku hayaan maraakiibta maraya Badda Cas.

Xuutiyiinta oo ay taageerto Iran ayaa sheegay Khamiistii inay beegsadeen markab watay calanka Giriiga, taasoo qayb ka ahayd ololahooda ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ee maraya badda cas, iyaga oo taageero u muujinaya Falastiiniyiinta xilli uu socdo dagaalka Israel iyo Xamaas ee Gaza.

Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa ka daadgureeyay shaqaalihii markabkaas saarnaa, ka dib markii la weeraray, taasoo keentay in markabka uu dab qabsado.

Howlgalka ciidamada badda cas ee Midowga Yurub ee Aspides ayaa sheegay in markabka uu siday 150,000 metric ton oo saliid ceyriin ah.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Matthew Miller ayaa Sabtidii sheegay in Xuutiyiintu “ay caddeeyeen inay diyaar u yihiin inay burburiyaan hannaanka kalluumaysiga iyo bii’adda ama deegaanka ee gobolka, taas oo bulshada Yemen iyo bulshooyinka kale ee gobolkuba ay ku tiirsan yihiin”

Ololaha Xuutiyiinta ayaa hakad galiyay maraakiibtii ganacsi ee isaga kala gooshaysay badda cas iyo gacanka cadmeed,taasi oo keentay in shirkado badan oo maraakiib ah ay marakiibta u rogaan wadooyin dhaadheer oo qaali ah.

Qaar ka mid ah macluumaadka sheekadan waxaa laga soo xigtay Associated Press iyo Reuters + Voa

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleMuwaadin u dhashay Britain oo lagu dilay Ukraine
Next articleAlshabaab oo Bilaabay Qorshe layaab leh oo Reer miyiga Lacag uga Samaynayaan