Home Wararka Maanta Maraykanka oo Israil U Diray Gantaalada Difaaca

Maraykanka oo Israil U Diray Gantaalada Difaaca

0

Dowladda Mareykanka ayaa Axaddii shalay ku dhawaaqday in ay gantaallo casri ah oo nuuca difaaca cirka ah iyo ciidamo Mareykana ah u direyso Isra’il, si ay u xoojiso nidaamka difaaca cirka Isra’il, maalmo kaddib marki ay Iran madaafiic ku garaacday Isra’il.

Madaxweyne Joe Biden ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid lagu difaacayo Isra’il. Waxana tani ay ku soo beegantay iyada oo la filayo in Isra’il ay jawaab ka bixisyo duqeynti cusleyd ee ay 1-di bishan October kala kulantay Iran oo ku garaacday in ka badan 180 gantaallada guuxooda ka dheereeya.

Afhayeen u hadlay Aqalka Pentagon-ka ee looga arrimiyo Waaxda Difaaca Mareykanka, Major General Patrick Ryder, ayaa ku tilmaamay daabulista hubkan in ay qeyb ka tahay taageero ballaaran oo uu Mareykanka bilihi lasoo dhaafayay siinayay Isra’il, si buu yiri looga difaaco Iran iyo kooxaha ay taageero danaha Mareykanka ee gobolka.

Aroornimadi hore ee Isniinta maanta ah, duqeyn cirka ah oo ay ciidanka Isra’il ku beegsadeen teendhooyin ay jiifeen dad barakac ah oo ku taalla gudaha Isbitaalka Al Aqsa ee bartamaha Gaza ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 3 qof, halka 40 kalana ku dhaawacmeen.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in bartamaha Gaza gaar ahaan Deyral Balax ay ku nool yihiin ugu yaraan hal milyan oo Falastiinyiin u badan barakac.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Xoogan oo Ka dhacay Degmada Luuq
Next articleDowlada Soomaaliya oo Mamnuucday Diyaarada Drones ee Wax Duuba