Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in 31-kii bishan May lagu dilay duqeyn cusub oo ka dhacday deegaan ka tirsan maamulka Puntland 3 dagaal-yahan oo ka tirsan Daacish.
AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntan ay iska kaashadeen dowladda federaalka Soomaaliya.
Duqeyntan ayaa waxa ay ka dhacday deegaan fog oo ku dhow deegaanka Dhardhaar oo qiyaastii 81-KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari
Ma jiro wax khasaare ah duqeyntan kasoo gaaray dadka rayidka ah, sida ay sheegtay AFRICOM.
Duqeyntan cusub ayaa imaneysa xilli toddobadkii hore ay dowladda federaalka Soomaaliya sheegatay duqeymo ka dhacay buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag, balse Puntland ay beenisay jiritaanka weerarkaasi ay masuuliyadiida sheegatay dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Goor-dambe waxaa la xaqiijiyey in duqeymaha ay sheegtay dowladda federaalka ay buuraleyda Caalmadow ka dhaceen, balse Puntland ayaa beenisay oo sheegtay in dowladda federaalka aysan howlgal ka fuli karin dhulka Puntland.
“Soomaaliya ayaa weli muhiim u ah ammaanka Bariga Afrika.
“Ciidamada Maraykanka ee Afrika waxay sii wadi doonaan tababaridda, la-talinta iyo qalabaynta ciidamada saaxiibada la asih, ay u soo qabtaan ISIS.” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.