Home Wararka Maanta Maraykanka Oo Dowlada Soomaaliya ku amaanay Hal arin

Maraykanka Oo Dowlada Soomaaliya ku amaanay Hal arin

0

Danjiraha cusub ee dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya H.E. Larry André ayaa maanta kulan gaar ah wuxuu la yeeshay wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee  Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Labada mas’uul ayaa kulankooda waxa ay diiradda ku saareen xiriirka dhaqaale ee labada dal iyo arrimaha dib-u-habeynta maaliyadda Soomaaliya.

Amb. Larry André oo kulanka ka hadlay ayaa ku amaanay dowladda Soomaaliya guusha ay ka gaartay dib u habeynta dhaqaalaha, sida ay aqoonsatay hay’adda IMF.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in xilligan ay Soomaaliya u baahan tahay in ay dhawaan dhamaystirto doorasho hufan oo loo dhan yahay.

Dhankiisa Bayle oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid mira dhal ah, isaga oo si ballaaran ugu mahadceliyey safiirka Mareykanka iyo dowladdiisa.

“Maanta waxa aan kulan miro dhal ah la qaatay Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka H.E. Larry André,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Bayle.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u caawiyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo ciidamada

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleMaamul Goboleed Shaaciyay Kuraasti U Danbaysay ee Degaan Doorashadiisa
Next articleRuushka iyo Ukrain oo Wadahadal Kafoolkafool ah u Furmay