Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa u sheegay dhiggiisa Poland in uusan hadda taageersaneyn in diyaaradaha dagaalka lagu wareejiyo ciidamada cirka ee Ukraine, sidaas waxaa yiri John Kirby oo ah afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka.
Poland ayaa talaadadii soo jeedisay in 28 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah MIG-29 ay u dirto Ukraine iyadoo la sii marinayo saldhiga Mareykanka ee Ramstein ee Jarmalka. Diyaaradahan ayaa markii ugu horeysay la siiyay Mareykanka, iyadoo lagu bedelayo diyaaradaha kale ee dagaalka Mareykanka.
Ukraine ayaa hub aad u badan ka heshay dalalka NATO si ay ula dagaalamaan duulaanka Ruushka, balse waxay dalbadeen diyaarado dagaal.
Maraykanku si cad ugama cago jiidin in uu ogolaado diyaaradaha dagaalka ee Ukraine, balse waxa la yaab ku noqotay dalabka Poland ee ah in ay diyaaradahooda u soo diraan Ramstein.