Home Wararka Maanta Maraykanka Oo Digniin Adag U Diray Ruushka Oo Hub Ka Iibinayo Iiraan.

Maraykanka Oo Digniin Adag U Diray Ruushka Oo Hub Ka Iibinayo Iiraan.

0

Illaa laba sarkaal oo Maraykan ah oo aan magacyadooda shaacin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press, in Ruushku uu dedaal xooggan ugu jiro inuu sii joogteeyo sahada hubka ah uu u isticmaalo dagaalka Ukraine, iyadoo Moscow ay doonayso in Iran ay markale ka caawiso ciidamada Ruushka, diyaaraha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada dhulka.

Waxaa jira walaac soo kordhaya oo Maraykanku qabo oo ku aaddan, in Ruushku uu raadinayo inuu Iran ka helo hub dheeri ah oo casri ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan golaha ammaanka qaranka ee Maraykanka, kaas oo magaciisa u qariyey, maadaama aan la ogolayn in laga faalloodo wararka sirta ah ee Maraykanka. Sarkaalkan ayaa sheegay, in hubka uu Maraykanku sida gaarka ah uga walaacsan yahay inay ku jiraan gantaallada dhulka ee Iran ay samayso.

Dhanka kale, diblomaasi Maraykan ah ayaa sheegay in Iran ay qorshaynayso inay ka iibiso Ruushka boqollaal gantaal iyo weliba diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, tallaabadaas oo xadgudub ku ah qaraarkii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray sannadkii 2015, kaas oo taageerayey heshiiskii dhexmaray Iran iyo lixda quwadood.

Ruushka oo ka mid ahaa, quwadaha saxeexay heshiiskaas ayaa haatan u muuqda inuu ku xadgudbayo qaraarka golaha ammaanka, waxaana suaali ka taagan tahay, Ruushku muxuu siinayaa Iran oo uu kaga bedelanayaan hubka uu uga baahan yahay.

Diplomaasiga ka tirsan Qaramada Midoobay ee magaciisa qariyey ayaa sheegay in heshiiska iskaashiga milateri ee dhexmaray Ruuska iyo Iran inuu halis ku yahay xasiloonida gobolka, wuxuu intaas ku daray, inaan illaa haatan aan la daabulin wax hub ah, hase ahaatee la sameeyey dalabka hubkaas.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleAlshabaab oo Si yaab leh u Duugay Maleeshiyaad looga Dilay Gobalka Shabeelada Dhexe(Sawiro)
Next articleMadaxweyne Cali Guudlaawe oo Gaaray Degmada Aadan yabaal Xili Alshabaab laga Saraay Gobalka Shabeelada Dhexe