Home Wararka Maanta Mahad Salaad oo Ka Shifay Qorshe Culus oo Farmaajo iyo Fahad Damacsanyihiin

Mahad Salaad oo Ka Shifay Qorshe Culus oo Farmaajo iyo Fahad Damacsanyihiin

0

Mahaf Salaad ayaa Bartiisa Facebook Ku Daabacay Sidaan:

 

Shirqoolo loo maleegay dad siyaasiin ah iyo AFGANBI 3aad oo u qorsheysan Farmaajo‼️

1. 23-kii bishaan Maarso weeraradii iyo qaraxyadii ka dhacay Afisyoone iyo Beledweyne waxaa fududeeyay dad la yaqaano ilaa hadana wax tilaabo ah lagama qaadin, sababtoo ah waxay dowlada ku dhex heystaan xilal, xoog iyo xasaanad. Waana sababta xalay RW Rooble ugu dul ilmeeyay minbarkii uu taagnaa ee loogu tacsiyeynayay Xildhibaan Amina AUN.

2. Shalay waxaa lagu kala cararay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kadib markii la sheegay in gudaha garoonka la soo geliyay qaraxyo iyo maleeshiyaad hubeysan oo weeraro ka fulin raba garoonka iyo gudaha Xalane. Danta laga leeyahay xaga hoose ayaan ku xusi doonaa.

3. Waxaa socda qorsheyaal lagu beegsanayo RW Rooble, MW Cali Guudlaawe (oo lagu soo daray liiska dadka cadowga ku ah Villa Soomaaliya doorashadii Beledweyne ka dib), qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ee la soo doortay, Musharaxiin iyo Siyaasiin iyadoo la adeegsanayo gacmo kale oo loogu adeegayo agabka iyo shirciyada hawlwadeenada dowlada sidii maalmo kahor ka dhacday Afisyoone iyo Beledweyne. Ujeedada laga leeyahay iyadana qaybaha dambe ee qoraalkan ayaan ku sheegi doonaa.

4. Waxa jira nin siyaasi ah oo maamul goboleedyada mid ka mid ah ka soo jeeda oo la dejiyay hotel ku yaala xayndaabka garoonka Aadan Cadde. Waxaana agtiisa lagu diyaarinayaa hub aad u fara badan oo la leeyahay amniga mas’uulkaan ayaa lagu ilaalinayaa lkn ujeedadu sidaas maahan ee hubka howlgal kale ayaa loo isticmaali doonaa, ciidanka hubkaas ku howlgeli doona iyagoo dharcad ah ayaa gudaha la soo gelin rabaa maalmaha soo socda.

5. Asbuucyadii la soo dhaafay Farmaajo wuxuu ciidamada qalabka sida ka dhex waday isbedelo. Wuxuu shaqada ka fariisiyay dhamaan saraakiishii qeybta ka ahaa howlgaladii dalka lagu badbaadiyay ee Badbaado Qaran. Wuxuuna ku badalay saraakiil daacad u ah oo dhalinyaro u badan. Saraakiishii iyo ciidamadii diiday isbedeladaas waxa laga gooyay mashaarkii iyo garaamkii ciidanka.

Ulajeedka Farmaajo iyo qorsheyaasha uu maaganyahay:

1. Weeraradii 23-kii Maarso, hubka lagu aruurinayo xayndaabka garoonka Aadan Cadde iyo qaraxyada saacad walba la leeyahay garoonka ayaa la soo geliyay ujeedada laga leeyahay waa in lagu baqdin geliyo diplomaasiyiinta shisheeye ee Xalane ku sugan, si dalka ay isaga cararaan.

2. Shirqoolada ka dhanka ah Rooble, Guudlaawe, Musharaxiinta iyo Xildhibaanada ujeeddada laga leeyahay waa in dalka la geliyo qalqal amni oo suurtogal ka dhigi kara baaqashada dhaarinta Xildhibaanada ee muddeysan 14-ka Apriil iyo in gebi ahaanba la baajiyo doorashada oo dhan.

3. Labadaan qorshe marka ay dhacaan Farmaajo waxaa u qorsheysan iskuday AFGANBI 3aad oo uu ku dhawaaqi doono 12-ka Apriil oo ah Xuska Maalinta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya isagoo marmarsiiyo ka dhiganaya shirqoolada uu maleegayo iyo amni darada baahsan ee sida ulakaca ah isagu u abuuray in aysan doorasho ku qabsoomi karin‼️

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleMuwaadin Soomaaliyeed oo Lagu Dilay Maraykanka iyo Booliska Dalkaas oo ka Hadlay
Next articleGudoomiyaha Cusub ee Gobalka Mudug oo ka Hadlay Xilka Loo Magacaabay