Home Wararka Maanta Magaalooyinkii Galmudug ee Alshabaab Laga Saaray oo Malaayiin Doolar Loogu deeqay

Magaalooyinkii Galmudug ee Alshabaab Laga Saaray oo Malaayiin Doolar Loogu deeqay

0

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adda USAID ayaa maanta kala saxiixday heshiis ku kacaya 68.5 milyan oo dollar.

Dhaqaalahan uu Mareykanka ku deeqay ayaa loogu tala-galay in wax looga qabto arrimaha horumarinta deegaanada dhawaan laga saaray Al-Shabaab, waxaana maanta si wada-jir ay qalinka ugu duugay wasiirka qorshaynta iyo maalgashiga Maxamuud Beene-Beene iyo wasiirka maaliyadda Biixi Imaan Cige.

Munaasabad kooban oo saxiix ah kadib waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay wasiirada maaliyadda iyo qorshaynta iyo madaxa USAID ee Soomaaliya, iyada oo wasiir Beene-Beene uu hoosta ka xariiqay in lacagtaan deeqda ah inteeda badan dowladdu ay u adeegsan doonto horumarinta arrimaha caafimaadka, waxbarashada iyo maaamul-Wanaagga deegaanada dowladdu ka xoreysay argagixisada ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dowladda hubin doonto in dhaqaalahaan uu ku baxay halkii ugu saxnayd iyo ciddii mudnayd, si looga faa’iideysto sidii ugu habooneyd.

Sidoo kale wasiirka maaliyada ayaa isna dhankiisa u mahadceliyay hay’adda USAID ayaa sheegay in deeqdani ay tahay cashuurta ay bixiyaan shacabka Mareykanka, si taa lamid ah ayuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay bixiyaan cashuurta si looga maarmo kaalmada dibada ka timaado.

Catie Lott oo ah madaxa xafiiska USAID ee Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskaan uu ka turjumayo heerka uu gaarsiisan yahay iskaashiga dowladda Mareykanka iyo Soomaaliya, iyadoo tilmaamtay “in ay jeclaan laheyd arkidda natiijada wanaagsan ee ka dhalaya deeqda ay bixiyeen deegaanada lagu maalgaliyo.”

Heshiiskaan ay maanta wada saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa abuuraya xasilooni iyo horumar ka mustaqbalka dhaw ee bulshooyinka magaalooyinka iyo miyiga oo la hormarinayo adeegyadooda aas-aasiga ah.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleXasan Shiikh iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada oo laga Dalbaday inay Deg deg isugu yimaadaan
Next articleMaxaa Ka Dhacay Maantay Balanbale Kadib Markii laga Taagay Calanka Puntland?