Home Wararka Maanta Magaalada Muqdisho oo lagu Qabtay Maandooriye Kala Duwan

Magaalada Muqdisho oo lagu Qabtay Maandooriye Kala Duwan

0

Ciidanka Booliska Soomaaliya ee ka howlgalla dekadda magaalada Muqdisho, ayaa maanta gacanta kudhigay koonteenar ay ku jiraan waxyaabaha maanka dooriya, kaa oo la sheegay inĀ  loo soo ekeysiiyay daawooyin.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Fitaax Aadan Xasan, oo maanta warbaahinta kula hadlayay gudaha Dekedda Muqdisho, ayaa sheegay in ay heleen xog sirdoon, taas oo u fududeysay in ay qabtaan maandooriyahan dekadda laga soo dejiyay.

Sidoo kale Mareeyaha Dakedda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo), ayaa isna sheegay in ay gacanta ku hayaan ganacsatadii ka danbeysay in uu konteenarka maandooriyaha ah uu kasoo dego dekedda magaalada aMuqdisho.

Maareeyaha Dekedda iyo Afhayeenka ciidanka Booliiska, ayaa si wada jir ah digniin adag ugu diray dadka ku howlan in dalka ay soo galiyaan daawooyin iyo raashin dhacay iyo sidoo kale waxyaabaha maanka-dooriyada ee sida qarsoodiga ah dekadda loo soo galiyo.

Ad