Home Wararka Maanta Magaalada Muqdisho oo la keenay Odayaashii Reer Xaaji Saleemaan ee Heshiiska la...

Magaalada Muqdisho oo la keenay Odayaashii Reer Xaaji Saleemaan ee Heshiiska la galay Kooxda Shabaab

0

Waxaa Maanta magaalada muqdisho diyaarad ku keentay Saddexdii Oday Dhaqameed ee kasoo jeeday Beesha Reer Xaaji Saleemaan, kuwaas oo dhawaan degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug heshiiska kula galay Ururka Al-Shabaab.

Odayaashaan oo lagu kala magacaabo Sugaal Warsame Cali, Caliyare Axmed Xeyle iyo Cumar Maxamed Jimcaale ayaa Maalmihii la soo dhaafay ku xirnaa Magaalada Dhuusamareeb kadib markii laga soo xiray Magaalada Cadaado.

Maalmo ka hor ayaa Saddexda Oday ay kasoo muuqdeen Warbaahinta, iyaga oo kula hadlay magaalada Cadaado, waxaana ay sheegeen in sababta ay heshiiska ula galeen Ururka AlShabaab ay aheyd inay kasoo badbaadinayeen ku dhawaad 70 Ruux oo ay Al-Shabaab si xoog ah uga heysteen Beesha.

Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug iyo taliska qeybta 21aad ayaa dhawaan siwadajir ah u sheegay in tallaabo sharci ah laga qaaayo cid kasta oo la macaamisha Ururka Al-Shabaab, taas oo keentay in Odayaasha la xiro.

Maanta ayaa Magaalada muqdisho la keenay Saddexda Oday si loogu maxkamadeeyo, kadib markii Hay’adaha Amniga Maamulka Galmudug ay kusoo wareejiyeen dowladda Soomaaliya.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleGalmudug iyo Puntland oo maanta bilaabay Hirgalinta Qodobo iyo Go’aano horay loogu heshiiyay
Next articleWaa Ku Waan 40ka Xiddig Ee Ugu Qiimaha Badan Dunida Ee Heshiisyada Xorta ah lala Gali karo iyo Kooxaha Ay ka Tirsanyihiiin