Home Wararka Maanta Magaalada Garoowe oo lagu qabtay Rag dil ka geestay Halkaasi

Magaalada Garoowe oo lagu qabtay Rag dil ka geestay Halkaasi

0

Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qeybta Booliska Gobolka Nugaal, ayaa xaqiijiyey in laamaha amniga ay ku guuleysteen in gacanta lagu soo dhigo labo eedeysane oo loo haysto dil ka dhacay magaalada Garoowe habeenkii xalay.

Falkaan dilka ah ayaa dhacay abbaare 2:00 habeenimo, bannaanka hore ee Hotel ku yaala Garoowe, waxaana lagu dilay laba ruux oo midkood uu ahaa waardiye ka tirsanaa shaqaalaha hotelka. Dabley hubeysan ayaa falkan geystay kadibna ka baxsaday goobta.

Ciidanka Booliska oo kaashanaya Laanta Dambi-baarista (CID) ee Gobolka Nugaal ayaa isla markiiba bilaabay howlgallo baaris iyo raadraac ah. Natiijada baaritaankaasi ayaa keentay in la qabto labo ruux oo hadda loo haysto falkaasi, kuwaas oo ku jira gacanta CID-da, iyadoo baaritaanka rasmiga ah uu ku socdo.

Ciidanka Booliska Puntland wuxuu shacabka ugu baaqayaa in ay si buuxda ula shaqeeyaan laamaha amniga, gaar ahaan marka ay jiraan dhacdooyin culus oo sidaan oo kale ah, si loo sugo amniga iyo xasiloonida guud ee dalka.

Warbixin dhameystiran oo ku saabsan natiijada baaritaanka ayaa laga soo saari doonaa marka la dhammeeyo hawlaha baarista sida ay boolisku sheegeen.

Ad
Previous articleCaalamka:- Turkiga oo Hawadiisa ka joojiyay Diyaarad siday Madaxweynaha Israel
Next articleHadal uu jeediyay Gudoomiyaha Degmada Kaaraan oo Caro badan dhaliyay