Home Wararka Maanta Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

0

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

Maxamed Jaamac Gaaxnuug, oo ah wiil da’ yar, ayaa sida la sheegay shidaal isku rusheeyay kadibna dab is qabadsiiyay, markii gabadhii uu jeclaa ay telefoonka ka qaban weyday.

Dhacdadan oo ka dhacday xaafadda Shacabka ee magaalada Berbera, ayaa dhaawac culus gaadhsiisay oogada sare ee Gaaxnuug, iyadoo gurmad degdeg ah lagu bakhtiiyay dabkii. Waxaa markii dambe dhaawac ahaan loogu qaaday magaalada Hargeysa.

Magaalada Berbera ayaa hore ugu caan baxday qisadii jacaylka ee Cilmi Ismaaciil Liibaan (Cilmi Boodhari), oo ka mid noqday aabbayaasha maansada jacaylka Soomaalida, kadib markii uu jacayl daran u qaaday gabadh la odhan jiray Hodan Cabdulle Walanwal, oo kasoo jeeday qoys isaga dhaqaale ahaan ka jeeb buurnaa badhtamihii 1930-meeyadii.

Cilmi Boodhari, oo ay Soomaalidu ku naanaysto “Aabbaha Jacaylka Soomaaliyeed”, ayaa ugu dambeyn sida la wariyo u dhintay jacayl daran oo uu gabadha u qaaday sannadkii 1941-kii, kadib markii ay u suurtogeliwayday inuu hanto qalbigeeda.

“Harka galay hurdadu way xuntahe hoohay maxa iseexshay, bal in aan habaar qabo maxa Hodan i waydaarshay,” ayuu ku calaacalay Cilmi Boodhari, ka hor intii aanu la godgalin jacaylka.

Sheekada Gaaxnuug ayaa dadka dib u xasuusisay jacaylkii galaaftay noloshii Boodhari, oo hadda xabaashiisu ku taallo Berbera. Dad badan ayaa leh, “Goobtu waa halkii uu Boodhari ku nafwaayay; wiilkuna waa dhallinyar sidii Boodhari” ee Berbera iyo jacaylka maxaa ka dhexeeya?

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay
Ad
Previous article4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland
Next articleLiiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay