Home Wararka Maanta Magaalada Baladweyne oo lagu dilay Askari ka tisan Ciidanka Dowlada Somaliya

Magaalada Baladweyne oo lagu dilay Askari ka tisan Ciidanka Dowlada Somaliya

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay loogu geystay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan askari ka tirsana ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dilka askariga ayaa ka dhacay Xaafada Kooshin, gaar ahaan laanta Nuur xawaad xili uu kusii jeeday hoygiisa, sida ay HOL u sheegeen ilo ku sugan xaafada Nuur xawaad.

Askariga la dilay oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo si weyn looga dhex yaqiinay Baledweyne ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan baroow, waxaana goobta isaga baxsaday dableydii fulisay dilkiisa oo horayna u sii qaatay qorigii uu watay askariga.

Lama oga ilaa hadda cida ka dambeysay dilka askariga oo loo badinayo iney ka dambeeyaan kooxda Al-shabaab, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka Baledweyne oo ku aadan dilka askariga.

Ugu dambeyntii dilka askarigaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo Baledweyne mudooyinkii lasoo dhaafay aysan ka dhicin dilalka noocaan oo kale ah ee lagu beegsado askarta iyo dadka kale ee waxtarka u leh bulshada.

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka

Abaaraha ka jira Puntland oo Saameyn ku yeeshay 800,000 oo qof oo Halkaaasi ku Nool

Ku dhawaad 800,000 oo qof oo ku nool Puntland ayaa wajahaya xaalado nololeed oo aad u liidata, taasoo ka dhalatay roob la’aantii ka dhacday xilligii Deyrta 2024 iyo saadaasha roob

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Ad
Previous articleShacabka Puntland oo looga digay inay dhibaato u geystaan dadka ajaanibta ah
Next article𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐦𝐞𝐞𝐥-𝐦𝐚𝐫𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐚𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐚𝐠𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲𝐨 𝐤𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚