Kadib magaacaabistii xalay ee Golaha Wasiirada Jeneral odawaa Yuusuf Raage inuu noqdo marlabaada Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ayaa Waxaa Magaalooyin Badan ka dhacay Dabaal dagyo farxadeed oo lagu soo dhawaynaayo Jeneral odawaaa Yuusuf Raage.
Ciidamada Beesha Sacad iyo Kuwa Gor Gor ee Ku sugnaa Degmada Wisil ayaa Mar Qura Rasaas Dabaal dag ah ooda ka qaaday Taas ay ku sheegeen siday ugu Farxeen Magaacaabista Markale odawaa Yuusuf Raage.
jeneral odawaa ayaa Doorwayn oo Muuqda Ka qaatay wajigii koobaad ee Alshabaab looga saaray inta Badan galmudug iyo Hirshabele kaas oo Hogaamiyay Dagaalo badan oo Guul kusoo dhamaaday.
kadib Markii Xilika laga qaaday odawaa iyo biixi oo ahaa taliyihii Ciidamada Lugta waxaa Halmar gabi ahaanba Istaagay Dagaaladii Kusocday kooxda Alshabaab kuwaas oo Dib u qabsaday magaalooyin horay looga saaray.
sidoo kale Magaalada Baladwayne ciidamada Xooga ee ku sugnaa ayaa U dabaal dagay Magaacabista odawaa Yuusuf Raage oo La filaayo inuu Markale Alshabaab ka saaro magaalooyinka ay uga Harsanyihiin Galmudug iyo Hirshabeele.