Home Wararka Maanta Madfac ku dhacay beer ku taalla Janaale oo gaystay khasaare dhimasho iyo...

Madfac ku dhacay beer ku taalla Janaale oo gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh

0

Warrarka ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof oo rayida uu dhintay, shan kalena ay dhaawacmeen kaddib markii uu madfac ku dhacay beer ay ka rarayeen moos oo ku taala duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeeladda Hoose.

Dad goobjoogayaal ahaa ayaa BBC-da u sheegay in saddexdii habeenimo uu madfac ku habsaday gaari moos lagu rarayay oo yaalay beer ku taala meel qiyaastii afar km u jirta Janaale.

Shanta qof ee dhaawacmay waxa ku jirta gabadh ganacsato ah oo lahayd rarka mooska laga qaadayay beerta.

Gudoomiyaha deegaanka Janaale Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdinuur (Al-Cadaala) ayaa BBC-da u sheegay in madafaca ku dhacay dadka beerta joogay laga riday xero ay dagan yihiin ciidamada Midowga Afrika.

“Waa ka wadahadalnay, inay iyagu tureen ayay sheegeen, waana la wada maqlayay oo jugta dhacaysay sagaal saac iyo bar habeenimo ayay ahayd, Jannaale oo dhan waa laga maqlay, inay tuureena iyagaa sheegay, macnaha way qirteen nimanka aan hadda isla joogno ee ATMIS, waxay dhaheen xog waxa naloo soo gudbiyay in meesha cadow ku sugan yahay, saas darteed baan weerarka u sameynay, koley marka baaritaan baa socda, wixii ka soo baxana dib baan ka soo sheegi doonaa.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Janaale

Dadka dhaawaca ah gaar ahaan kuwa aadka u liita ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho, halka kuwa kale lagu daweynayo xarun caafimaad oo ku taala Shalanbood oo aan ka fogeyn Janaale.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleHay’adda Duulista Rayidka oo Digniin adag u dirtay Shirkadaha Diyaaradaha ee dalka ka howlgala kadib Fadeexadii Shalay Ka Dhacday Garoonka aadan cadde
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Ka Hadlay Weerarkii Xalay Lagu Laayay Alshabaab ee Ka Dhacay Xarardheere