Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Madaxweynihii Koonfurta Kuuriya oo si rasmi ah looga mamnuucay xafiiska

Madaxweynihii Koonfurta Kuuriya oo si rasmi ah looga mamnuucay xafiiska

0

Yoon Suk Yeol, ayaa si rasmi ah waxaa looga mamnuucay dhamaan shaqooyinkii uu ka hayay xafiiska ugu sarreeya dalkaas, markii ay ahayd 1:24 daqiiqo xilliga geeska Afrika sida uu baahiyay xafiiskiisu.

Maanta ayaa baarlamaanka dalkiisu ka xayuubiyeen xilkii madaxweynenimo ee uu u hayay dalkiisa.

Xilka ayaa haatan waxaa la wareegay ra’iisul wasaaraha dalka, Han Duck-soo.

Khudabadii ugu horeysay ee uu jeediyay madaxweynaha sida kumeelgaarka ah talada dalka u hayn doona ayaa waxa uu ku sheegay, in uu awoodda saaari doono “sidii uu xaalka u dajin lahaa”iyo “in uu jawiga dadka sidii caadiga ah ugu soo celin lahaa”.

“Ka shaqsi ahaa, isla markaana dowladda masuul ka ah, waxaan dareemayaa masuuliyad culus oo iga saaran xaalka nasiib xumada ah ee aan ku jirno, waanan ka raali galinayaa dadka reer Kuuriya,” ayuu yiri Han.

Madaxweynahaan xilka sii hayn doona ayaa waxa uu sheegay in uu ka ilaalin doono dowladda “in uu firaaq dhaco” isaga oo sheegay in uu soo dhisi doonoo “haykal amni oo adag” iyo gole wasiiro oo ay diiradoodu tahay “shaqo adag oo halkeeda ku sii haysa aamniadda” ay isku qabaan wadamada Maraykanka, Japan iyo xulufada kale ee ay leeyihiin, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dadweynaha Koonfurta Kuuriya ayaa waxay wadeen dibadbaxyo joogto ah tan ilaa shantii December, iyaga oo dhaxanta u istaagayay subax walba dalabkooda ku aadan in uu booska baneeyo madaxweyne Yoon.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay

Duulaan ka Dhacay Duleedka Xudur oo Khasaaro lagu Gaarsiiyay Kooxda Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska guutada 9-aad ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur ee

Xamsa Cabdi Barre oo Shacabka ugu Baaqay in loo Midoobe Dagaalka Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro Kooxda Al shabaab uu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda nabadda iyo

Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa

Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Dagaal Qaraar oo kasocda Ceerigaabo iyo SSC khaatumo Gudaha ugalay Ceerigaabo
Next articleGolaha Wasiirrada Xukuumadda  Soomaaliya ayaa xalay shir deg-deg ahaa ku yeeshay xafiiska ra’iisul wasaaraha