Home Wararka Maanta Madaxweynihii hore ee Somaliya Farmaajo oo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu...

Madaxweynihii hore ee Somaliya Farmaajo oo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ku tuntay Dastuurka KMG ee dalka

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ku tuntay Dastuurka KMG, Waxaana uu uga digay dhibaatada ay leedahay in kooxaysi ku salaysan dan gaar ah laga doorbido wadajirka iyo danta guud, lana geliyo dalka xaalad halis ah oo dhaawacaysa midnimada iyo xasilloonida.

War qoraal ah uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo waxa uu si cad ugu eedeeyay Maxadaxwenaha Soomaaliya Xasan Sheekh in uu si ula kac ah ugu tuntay qodobada kuqoran Dastuurka ee  Qodobadka 87aad, qodobka 50aad, qodobka 92aad iyo qodobka 65aad.

Qodobadaan dhammantood ayaa si cad u qeexaya waajibaadka ilaalinta dastuurka iyo midnimada dalka, doorka Madasha Wadatashiga Qaran ee go’aammada masiiriga ah, hannaanka federaaleynta dalka iyo waajibaadka Guddoonka Baarlamaanka oo aan xubin ka noqon karin xisbi iyo urur siyaasadeed.

Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka dhabeeyo ballantii Shirka Wadatashiga Qaran ee laga sugayey, talada ballaariyo, kuna hoggaamiyo dalka midnimo iyo wadajir, una soo laabto sharciyadda iyo siyaasad loo dhan yahay oo dalka looga gudbin karo xaaladda uu ku jiro.

“Si gaar ah, waxaan u soo jeedinayaa Madaxweynaha in uu ka laabto tallaabooyinka halka dhinac ah ee khilaafku ka taagan yahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin laalidda dastuurka lagu doortay, ka shaqeynta shuruuc iyo guddiyo doorasho oo aan loo dhammayn iyo burburinta Madasha Wadatashiga Qaran, arrinkaas oo abuuray darafyo siyaasadeed oo laga baaqsan karay.” ayaa lagu yiri Qoraalka Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa nasiib darro ku tilmaamay in hantidii Dawladda loo isticmaalo olole siyaasadeed iyo urur gaar loo leeyahay, iyada oo si sharci darro ah looga faa’iidaystay ciidankii baanbayda, warbaahintii qaranka iyo xataa shaqaalihii rayidka ahaa ee dawladda.

Waxa uu qoraalkii kusoo gunaanuday in Madaxwweyne Xasan Sheekh uu raadiyo dowlad-goboleedyada ka maqan shirarka Madasha Wadatashiga Qaranka, si loo xaqiijiyo talo loo dhan yahay, doorashada heer dowlad gooboleedna uu u fasaxo Madaxda Dowlad-goboleedyada muddo-dhaafka ah ee uu hortaagan yahay.

Ad
Previous articleSomaliland oo ka hadashey maxaabiis ay dhawaan sii daynayso iyo Dadaalka ay wado
Next articleTrump oo Heshiis ku baxaya $1.2 tiriliyan la galay Dowlada Qatar