Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta hoygiisa ku martiqaaday Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz.
Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Safiirka Turkiga kaalinta dowaddiisa ka qaadaneyso dib u soo kabashada Soomaaliya, isla markaana Turkigu yahay saaxib garab taagnaa Soomaaliya xilliyo adag.
Turkiga ayaa ka mid ah wadamada u hanqal taagaya inay Taageeraan Qof ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha si galaan gal culus ugu yeeshaan siyaasadda Soomaaliya.
Kulanka Xasan Sheikh iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa imaanaya xilli Doorashada Soomaaliya si gaar ah Caalamku isha ugu hayaan.
Ad