Home Wararka Maanta Madaxweyne Xassan Shiikh oo tababar u soo xiray ciidamo Cusub oo ...

Madaxweyne Xassan Shiikh oo tababar u soo xiray ciidamo Cusub oo ku Biiraaya Dagaalka Ku Socda Alshabaab (Sawirro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa tababbar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya Ciidamada Qalabka Side ee Soomaaliyeed oo muddo lagu diyaarinayey dalkaas.

Madaxweynaha ayaa khudbadda uu u jeediyay halyeeyadan u istaagay difaaca dalkooda, waxa uu tilmaamay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada.

Cutubyada ciidamadan ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay dhoolla-tus ay ku muujinayaan tayadooda iyo tababarrada ay qaateen, Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada Cutubyadan ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyey in uu dul istaago nolashooda iyo tababarrada ay qaateen, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay in ay safka hore ka galaan howlgallada xoreynta dalka.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladaha Uganda taageerada naf hurnimada leh ee ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale, dowladda Imaaraadka Carabta ayuu uga mahadceliyey bixinta qarashaka ku baxay Tababarka ciidanka.

Xubno ka Tirsan Kooxda Shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa daraawiishta Jubaland ay iska kaashadeen howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab. Howlgalkaan ayaa ka

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,
Ad
Previous articleCabdiraxmaan Cali iyo Yaasiin Maxamed oo Dil Toogasha Lagu fuliyay
Next articleSomaliland oo toogasho ku xukuntay maxaabiis ay ku qabatay Laascaanood