Home Wararka Maanta Madaxweyne Xassan Shiikh iyo wafdi uu Hogaaminaayo oo gaaray Magaalada Sharma Shiikh...

Madaxweyne Xassan Shiikh iyo wafdi uu Hogaaminaayo oo gaaray Magaalada Sharma Shiikh (Sawirro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa lagu soo dhaweeyey magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka qeyb-galaya shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka oo ka socda magaalada Sharma Sheekh.

Madaxweynaha iyo khuburada cimilada Soomaaliyeed ee ku wehelisa Shirka COP-27 ayaa la wadaagaya Madaxda Caalamka, saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimilada.

Qaramada Midoobey waxay ugu baaqday dalalka in shir madaxeedka ay uga hadlaan sidii wadahadallo taariikhiga ah si loo yareeyo qiiqa karboonka ah ee hawada lagu sii daayo.

Ku dhawaad ​​afartan kun oo qof oo ay ku jiraan boqol iyo labaatan hogaamiye oo ka socda caalamkaayaa la filayaa inay ka soo qaybgalaan munaasabadda lagu furayo shirka oo ka dhaceysa magaalada dhacda badda cas ee Sharmal Sheekh.

Shirka waxaa furaya madaxa Qaramada Midoobey u qaabilsan ka hortagga isbaddalada cimilada Simon Stiell, iyo wasiirka arrimaha dibadda Masar Samiix Shukry.

Madaxa Qaramada Midoobey wuxuu shirka ku tilmaamay ‘munaasabad taariikhi ah oo gaar ah oo looga hadlayo waxkqabashada isbadallada cimilada.

Sanadkii la soo dhaafay dunida waxay la kulanta cimilo aad u daran oo si joogto ah loola xiriiriyay isbeddelka cimilada, iyadoo daadad ba’an ay ka dhaceen Pakistan iyo kulayl daran oo saameeyay Hindiya iyo Yurub oo dhan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMagaalada Gävle oo dhoor qof lagu toogtay Xili Rabshado ka jiraan
Next articleCanada: Waxaan u baahannahay 1.4 milyan oo qof oo xirfadahan leh