Home Wararka Maanta Madaxweyne Xassan oo ku wajahan Sacuudiga Xili uu Wali Qatar ku Suganyahay

Madaxweyne Xassan oo ku wajahan Sacuudiga Xili uu Wali Qatar ku Suganyahay

0

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda FS mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya uga qaybgalay shirka wasiirrada arrimaha dibedda ee wadamada Jaamacadda Carabta, kaas oo hordhac u ah shirka 32-aad ee madaxda oo maalinta Jimcaha ah furmi doona.

Intuu shirku socdo ayaa wasiiradu uga  wada hadli doonaa qadiyadaha taagan ee dalalka Jaamacadda Carabta iyo kuwa saamaynta ku leh ee dunida ka dhacaya.

“Shirka wasiirrada iyo midka madaxdaba waxaan horgayn doonnaa arrimaha dalkeenna sida goonida ah u khuseeya een taageerada uga baahannahay dalalka Jaamacadda Carabta sida dhamaystirka dayn cafinta, maadaama dalal badan oo carbeed lacago badan nagu leeyihiin, cunaqabataynta hubka oo dalkeena muddo dheer saarnayd iyo tartanka aan ugu jirno kurisga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee 2025-2026 oo doorashadiisu dhacayso sanadka soo socda ee 2024” ayuu yiri wasiir Huruuse.

Shirka 32-aad ee madaxda Jaamacadda Carabta aya waxaa Somalia uga qeyb galaya Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo oo haatan ku sugan magaalada Doxa ee dalka Qatar kuwaasoo beri u ambabxi doona magaalada Jeddah oo shir madaxeedka uu ka furmayo.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleSidee marxuumaddan ugu guuleysatay doorashada kursigii ay u tartameysay?
Next articleAadam Cali Cabdi iyo Maxamed Geedow Nuurow oo Saakay La Toogtay