Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Tripoli, caasimadda dalka Liibiya, halkaas oo uu ku tagay booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Tripoli ku soo dhaweeyey madaxda sare ee dowladda Liibiya, isagoo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalkan sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.
Inta uu ku sugan yahay Tripoli, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeelan doona Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Liibiya, Mudane Maxamed Al-Manfi, iyagoo ka wada hadli doona xaaladda gobolka, danaha wadajirka ah, iyo iskaashiga labada dal.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka arrinsanaya horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, la dagaallanka tahriibta, iyo dhammaystirka dadaallada lagu soo celinayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada Liibiya.
Xiriirka Soomaaliya iyo Liibiya
Xiriirka Soomaaliya iyo Liibiya wuxuu soo bilowday xilligii uu hogaaminayey Madaxweynihii hore ee Liibiya, Mucammar Al-Qaddafi, kaasoo taageero mug leh siiyey Soomaaliya, gaar ahaan xilligii burburka kadib. Liibiya waxay qeyb ka ahayd wadamada Carabta ee garab istaagay Soomaaliya xilliyadii adkaa, iyada oo bixisay deeqo waxbarasho, tababar ciidan, iyo taageero diblomaasiyadeed.
Sannadihii u dambeeyey, xiriirka labada dal ayaa hakad galay sababo la xiriira qalalaasaha ka jiray gudaha Liibiya. Si kastaba ha ahaatee, dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal ugu jirta dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, iyadoo dooneysa in iskaashi ballaaran laga yeesho arrimaha amniga, dhaqaalaha, iyo xal u helidda dhibaatooyinka tahriibta.