Warbaahinta dowlada ayaa sheegtay in labada masuul ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Labada Dal.
“Madaxweynaha ayaa dowladda Maraykanka uga mahad celiyey taageerada ay u fidiso dowladda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu daabacay warbaahinta DF.
Ma jirto faahfaahin intaas ka badan oo laga helay kulankaas hase ahaatee Mareykanka ayaa soo dhoweeyey doorashada Madaxweynaha cusub ee Somalia Xassan Shiikh Maxamuud iyagoo sheegay iney sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan dowlada.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa todobaadkii hore saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib loogu celinayo Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab kaddib markii horaantii sanadkii 2021 uu Madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump ka saaray Ciidamadii Mareykanka ee howlgalayay Soomaaliya
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay