Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ugu Danbayn ogolaaday inuu Alshabaab Wadhadal Lagalo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ugu Danbayn ogolaaday inuu Alshabaab Wadhadal Lagalo

0

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galayay shir ka dhacay dalka Norway oo uu booqasho ku tegay ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan kooxda Al-Shabaab.

Xasan Sheekh oo wax laga waydiiyay in dowladdiisa ay wada-hadal la fureyso Al-Shabaab ayaa ku jawaabay inay diyaar u yihiin, si wax kasta loogu dhameeo miiska wada-hadalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhammaadka Al-Shabaab uu yahay wada-hadal, isla markaana dowladda Soomaaliyeed ay ku dadaali doonto, sidii loo wada-hadli lahaa.

“Waxaan rumeysanahay in dhamaadka Al-Shabaab uu yahay wada-hadal, goormee ayay diyaar yihiin? dowladda Soomaaliya waa diyaar” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wada-hadalkaas uu waqti dheer qaadan karo, balse ay ku dadaalayaan sidii loo abuuri lahaa wada xaajoodkaas, kadibna looga miro dhaliyo.

“Waxaan rajeyneynaa inay arrintaasi diyaar u noqdaan, marka ay diyaar noqdaan waan wada-hadli doonaa, wada xaajoodkaas wuxuu qaadan karaa waqti, laakiin ugu yaraan waxaan abuuri doonaa waddo cusub” ayuu sii raaciyay madaxweynaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda dhexe ay dagaal culus kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaas oo deegaano badan looga xoreeyay kooxda.

Dagaalkan ayaa sii xoogeystay kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh ee 15-kii May ee sanadkii 2022-kii, waxaana Al-Shabaab lagu qaaday dagaal saddex jiho ah.

Si kastaba, dagaalka ayaa hadda yare istaagay marka loo eego dardarkii uu billowday, waxaase weli socda qorshaha wajiga labaad oo ay kusoo biiri doonaan ciidamo cusub.

Ad
Previous articleDeni oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Xasan Shiikh Kana Hadlay Qaburha La Fagaayo
Next articleAskar Ka Tirsan Ciidamada Booliska oo Sameeyey arintaan Cajiibka ah oo la Dalacsiiyay(Sawiro)