Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Soo Faragaliyay Arinta Gobalka Gedo oo Wali Xal...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Soo Faragaliyay Arinta Gobalka Gedo oo Wali Xal laga Gaari la,yahay

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan gaar ah oo xalay xarunta madaxtooyada ku dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo kamid ah xubnaha laga soo doorto Jubbaland kana soo jeedo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrinta gobolka Gedo oo uu haatan si toos ah u faro-geliyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale kulanka ay khadka taleefanka uga qayb-galeen guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed iyo sidoo kale wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in intiisa badan shirkan diiradda lagu saaray xaaladda gobolka Gedo iyo sidii gobolkaas loo hoos geyn lahaa Jubbaland.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in xal loo helo arrinta Gedo oo muddo aad u dheer soo socotay, si loo helo Jubbaland oo mid ah.

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu sheegay in maamulka iyo shacabka Gedo looga baahan yahay fur-furnaan iyo inay la shaqeeyaan maamulka Axmed Madoobe ee haatan fadhigiisu yahay magaallo xeebeedka Kismaayo, si meesha looga saaro khilaafka muddada soo jiray.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in dib loo soo celinayo mashaariicdii laga fulin jiray gobolkaasi si loo horumariyo, ayna iska kaashan doonaan dowladda dhexe iyo Jubbaland.

Dhankooda Senatar Fartaag iyo guddoomiyaha gobolka Gedo oo kulanka ka hadlay ayaa si wadajir ah u dalbaday in marka hore la xalliyo tabashada reer Gedo, isla-markaana ay ka mas’uuliyiin ahaan diyaar u yihiin ka qyab-qaadasha arrimaha dib u heshiisiinta gobolkaasi.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana maalmihii u dambeeyay ay soo rogaal celisay xiisadda Gedo, kadib markii ay gobolkaasi dib ugu laabteen Senator Fartaaq iyo Janan oo markale dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo kuwa siyaasadeed ka bilaabay halkaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta gobolka Gedo oo sii jiitameysay, kahor iyo kadib-ba doorashadii soo dhamaatay ee 2022.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleMuxuu ka dhigan yahay hadalka muranka dhaliyay ee ka soo yeeray Puntland?
Next articleMuuqaal laga duubay booliska Kenya oo isku dayaya inay dad dhacaan