Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Sheegay inuu Baabiin Doono nidaamka 4.5

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Sheegay inuu Baabiin Doono nidaamka 4.5

0

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo bixiyey wareysigii ugu horeeyey ayaa shaaciyey in dowladiisa ay u qorsheysan tahay in laga gudbo nidaamka ay hadda beelaha Soomaaliyeed wax ku qeybsadaan ee 4.5 ka.

Madaxweyne Xasan oo wareysigaan siiyey Idaacadda VOA wuxuu sheegay in sanadihii uu ahaa madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya la sameeyey nidaam looga gudbi karo awood qeybsiga beelaha Soomaalida ee afar dhibic shan iyo doorasho dadban, balse aan la dhaqan gelin.

“2017-kii markii aan xukunka ka degay, waxyaabihii aan Madaxweyne Farmaajo ku wareejiyey waxaa ka mid ahaa qorshe looga gudbayo nidaamkaan 4.5 iyo doorashada dadban, laakiin qorshahaas lama dhaqan gelin sababo badan awgood, welina waa yaallaa, hadda dib u eegis ayaan ku samey doonaa, waana dhaqan gelayaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

“Nidaamkaas inuu dalka ku soo noqdo ma jeclin hadii Alle yiraahdo, markii waqtigeenu dhamaado 2026-ka, waxaan la imaa doonaa nidaam doorasho oo dadku isku raacsan yahay oo doorashada dadban ka duwan ayaan la imaa doonaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynuhu wareysigaan wuxuu ku sharaxay qorshaha dowladiisa ee 100-ka Maalmood ee u horeysa iyo howlaha hortabinta leh dowladnimada uu hoggaaminayo ee Soomaaliya.

“Waxaa rabnaa 100-ka Maalmood gudahood in aan dib u eegis ku sameynay hay’addaha amniga, sharciyadooda oo aad u gaboobay. Waxaa rabnaa in aan sameyno heshiis guud oo dowlada iyo dowlad goboleedyada dhexmara oo lagu federaaleynayo arrimaha muhiimka ah. Si amniga magaalada Muqdisho aan u xaqiijino waxaan rabnaa inay amni noqotaan gobollada Shabeellooyinka, srrimaha amniga cidkasta oo naga saacideysana waan soo dhoweynaynaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa aad uga cabta nidaamka ay burburkii kadib Soomaalidu ku qeybsato awoodaha dowladda ee 4.5, taas waxaa barbar socday doorashooyin aad loo nacay musuqa iyo awood sheegashada ka dhex jirta, balse hadda Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar labaad fursad u helay inuu ku soo laabto xukunka ayaa balan qaaday inuu dalka ka gudbi doono afar dhibic shan iyo doorasho dadban.

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleDoorashadii Xasan Shiikh Maxamud oo soo afjartay Rajadii Afwerki(Xog)
Next articleHowlgal Culus oo Durbiida Ka Bilowday Muqdisho kadib Doorashadii Madaxweyne Xasan Shiikh