Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Magacaabay Agasimaha Madaxtooyada Qaranka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Magacaabay Agasimaha Madaxtooyada Qaranka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Mudane Xuseen Sheekh uu tusaale u yahay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee dib u dhiska dowladnimada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed oo uu ku bixiyey waqti badan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey in uu u fududeeyo Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka gudashada waajibaadka horyaalla, waxa uuna uga mahad-celiyey Agaasimihii Hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise dadaalka uu bixiyey muddadii uu xilkan hayey.

Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud oo horey u soo noqday Sanatar ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa sanadkii 1982 waxa uu ku dhashay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, waxbarashada aas-aasiga ah iyo Jaamacadda heerka 1-aadna waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho, Waxbarashada heerka Labaad ee Jaamacaddana (Master Degree) waxa uu ka diyaariyey Daraasaadka Horumarinta, halka uu haatan ku guda jira takhasusuka Phd-ga ee Nabadda iyo Arrimaha Dowliga ah.

Maxaad ka ogtahay muhiimada Soomaaliya u leedahay diyaaradaha dagaalka ee Bayraktar Akinci

Labadii diyaaradood ee ugu horreyay oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akınci ,ayaa shalay gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo ay milkiyadooda leedahay Soomaaliya. Diyaaradaha oo ay ku xiranyihiin tiknoolajiyad

Dalalka Ruushka iyo Ukraine oo iska bur-biriyay Kaabayaasha Dhaqaale ee Muhiimka

Dowladaha Ruushka iyo Ukraine, ayaa wali sii wada duqeymo culus ay is dhaafsanayaan, kuwaa oo waxyeelo xooggan gaarsiiyay kaabayaal dhaqaale oo labada dalba muhiim u ahaa. Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin

Furuumaha Dagaalka ee Dowlada oo loo diray Dhaqaatiir iyo Gurmad Xoogan

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ayaa furimaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir, gawaarida gargaarka degdegga ah iyo daawo luugu tala-galay in lagu taageero geesiyaasha xaq u dirirka ah

Dowlada Somaliya oo ka hadashey isku day dil uu ka badbaaday Madaxweyne Xasan Shiikh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay ka badbaaday qarax lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo galbineysay, xilli uu ka baxay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kuna sii jeeday farumaha hore ee

Dowlada Somaliya oo ku Dhawaaqday Xiliga la Qabanayo doorashada goleyaasha degaanka

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, G/ kuxigeenka Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa si wada jir ah u
Ad
Previous articleBiden oo sheegay in Taiwan uu u Difaaci doono Qaab Milatari
Next articleP.M Rooble oo Dalka Dib ugu soo laabtay kadib Booqashadii Imaraadka(Sawiro)