Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Maantay Booqanayaa Deegaano Dhawaan Alshabaab laga Saaray

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Maantay Booqanayaa Deegaano Dhawaan Alshabaab laga Saaray

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiiro katirsan xukuumadda federaalka ayaa beri oo sabti ah lagu wadaa in ay tagaan degmooyin iyo deegaano katirsan gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in maanta sii baxeen xildhibaano iyo xubno kale oo horu dhac u ah safarka Madaxweynaha Soomaaliya beri ku tagayo labo kamid ah maamul goboleedyada.

Sida aan wararka ku helnay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tagaya degmooyinka Maxaas, Baxdo iyo Wisil oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, kuwaa oo hoostaga maamulada Hirshabelle iyo Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa degmooyinkaas u tagaya abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda degmooyinkaasi iyo deegaano hoostaga, waxa uuna Madaxweynaha warbixino ka dhageysan doonaa saraakiisha dagaalka horkaceysa.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorsheenaya in dib loo bilaabo howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab oo hakad galay maalmihii lasoo dhaafay, waxa uuna madaxweynaha ballanqaadyo u sameyn doonaa dadka deegaanka ee dagaalka kala hortagay Al Shabaab

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCiidamada Badda ee Puntland oo gacanta ku dhigay rag Ajaaniib ah iyo Dooman ay wateen
Next articleWasiir Faarax C/qaadir oo shaaciyey sababta Al-Shabaab u weerareen Wasaarada Waxbarashada