Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan howlgallada cirka ee ciidamadu ay ka fuliyeen goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Al Shabaab

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey saraakiisha Ciidamada Cirka dadaalkooda joogtada ah, gaar ahaan xoojinta weerarada qorsheysan ee lagu beegsanayo argagixisada, isagoo tilmaamay in duqeymaha cirka ee lala beegsaday xarumaha Al Shabaab ay si weyn u wiiqday awooddooda iyo abaabulka dhagaraha ay u soo maleegaan shacabka Soomaaliyeed.

Saraakiisha ciidamada cirka ayaa Madaxweynaha la wadaagay xaaladda guud ee howllada iyo qorshayaasha muhiimka ah ee lagu xoojinayo Ciidamada Cirka Soomaaliya, waxa ayna soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda uga faa’iideeyaan tababarrada sare ee ay soo qaateen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay sii xoojin doonto dib-u-dhiska, qalabaynta, iyo tayeynta ciidanka Cirka si ay u gutaan waajibaadkooda, dadka Soomaaliyeedna uga dulqaadaan Al Shabaab.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleDowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı
Next articleMuqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro