Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo kulan La Qaatay Shiikh Shariif iyo Madaxtooyada Oo...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo kulan La Qaatay Shiikh Shariif iyo Madaxtooyada Oo War Kasoo Saartay

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu la wadaagay madaxweynihii hore xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Al-Shabaab lagu cirib tirayo, sida lagu yiri bayaan ay Villa Somalia kasoo saartay kulankaan.

Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey madaxweynaha kulankan wadatashiga iyo soo-dhaweynta ah ee uu ugu fidiyey Madaxtooyada.

Shariif Sheekh Axmed ayaa intaa kadib waxa uu u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo, sida lagu yiri bayaanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka Xasan iyo Shariif ayaa hordhac u ah kulamo siyaasadeed oo maalmaha soo socda uu bilaabayo madaxweynaha Soomaaliya.

Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in madaxweynuhu uu casuumay xubno ka mid ah saamileyda siyaasadda, gaar ahaan xubnihii ka ay Midowga Musharaxiinta isku baheysteen, markii uu talada joogay Farmaajo.

Siyaasiyiin uu ku jiro Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa todobaadkaan Muqdisho imaanaya, kuwaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu casuumay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweynaha ayaa siyaasiyiintaan kala xaajoo doona tabashada ay ka qabaan hoggaaminta dalka iyo nidaamka ay uu doonayo in la qaato ee dhawaan ku soo baxay heshiiskii golaha wadatashiga qaran.

Si kastaba, Sheekh Shariif ayaa madaxweynaha horey uga codsaday inuu isugu yeero siyaasiyiinta kale ee saamileyda siyaasadda, si ay u soo bandhigaan dooda ay ka qabaan heshiis siyaasadeed ee 27-kii May ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug

Caalamka:- Dowlada Sacudiga oo 14 Dal African ah ka joojisay Visa Cumrada

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo

Donald Trump oo Shaaciyay Hadalo Hanjabaad ah oo ku socda Iiraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad
Previous article“Salaadda kadib ayaa la ii sheegay in carruurtayda ay geeriyoodeen” aabbe caruurtiisa uu hoobiye dilay
Next articleTaliban oo amartay in la xiro goobaha lagu qurxiyo haweenka