Madaxweynaha dowladda Soomalaiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaasoo todobaakii hore lagala wareegay kooxda Al-Shabaab.
Inkastoo aan rasmi ahaan loo ogeyn xiliga uu baxayo madaxweynaha, hadana waxaa ka socda magaaladaasi diyaar garowga soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha, waxaana halkaasi la geeyay ciidamo dheeraad ah oo xaqiijiyay amniga magaalo xeebeedan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarkan Xarardheere uga duwan socdaaladii uu hore ugu tagay degmooyinkii laga xoreeyay Shabaab, maadaama ay tahay deegaanka uu ka soo jeedo.
Qabashada Xarardheere waxey Shabaab u eheyd jab weyn oo soo gaaray, magaaladan waxey eheyd halka ay uga soo dagaan hubka ay ka soo iibsadaan Yemen, sidoo kale waxey eheyd halka ay ka soo galaan Ajaanibta Carabta ah ee kooxda ka bar bar dagaalanta.
Sidoo kale waxey argagixisada u eheyd il dhaqaale fara badan ay uga qaadan jireen badeecadaha ka soo daga iyo kuwa laga dhoofiyo, taasoo haatan noqotay mid iska soo xirmatay.