Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Madaxweyne Xasan Shiikh oo Goordhow Gaaray Magaalada Baydhabo(Sawiro)

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Goordhow Gaaray Magaalada Baydhabo(Sawiro)

0

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Kumeel-gaarka ah ee maamulka Koofur Galbeed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka Shaati Gaduud madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe iyo masuuliyiin ka kala tirsan golayaasha maamulkaasi.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Baydhabo ayaa la xiriira shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo muddooyinkii dambe ka socday halkaas, kaasi oo uu furay 17-ka bishii hore.

Shirkan ayaa afar maalin kahor galay wajigiisa labaad, waxaana lagu wadaa in dhawaan lasoo gaba-gabeeyo, ayada oo saacadihii lasoo dhaafay ay magaalada ka socdeen kulamo loogu gogol xaarayo mira-dhalka shirkan oo xaqiijinaya Koonfur Galbeed heshiis ah.

Amaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, ayada oo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu xalay la kulmay Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa masuuliyiintan wuxuu kala hadlay dardar-gelinta wajiga labaad ee shirka dib-u-heshiisinta Koonfur Galbeed, isaga oo u sheegay in si habsami leh loo sii amba qaado wajiga labaad.

Wajiga labaad ee shirka ayaa lagaga arrinsanayaa hanaanka geedi socodka nabada, sidii guul mira-dhal leh loogu gaari lahaa gogosha taalla magaalada Baydhabo, si dalka looga xorreeyo kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

Si kastaba, Arrimahan ayaa imanaya iyada oo lagu wado in wajiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka billowdo deegaanada Koonfur Galbeed, oo inta badan ku jira gacanta kooxda.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleSweden oo Afar Qof u xirtay Qaraxyada ka dhacay Caasimada Stockholm
Next articleCiidmada ATMIS oo Qof Shacab ah ku Dilay Muqdisho