Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Baarlamaanka kaga hordhawaaqay Go’aan Culus oo la xariira...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Baarlamaanka kaga hordhawaaqay Go’aan Culus oo la xariira Doorashada Qof iyo Cod

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay kalfadhiga lixaad ee baarlamaanka ayaa mar kale ka hadlay qorshaha dowladdiisa ee doorashada qof iyo codka ah ee weli dooddu ka taagan tahay.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in 56 sano kadib ay doonayaan in dadka Soomaaliyeed ay si xor ah oo cadaalad ah u dhiibtaan codadkooda, soona doortaan hoggaankooda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale baarlamaanka la wadaagay go’aan culus oo la xiriira doorashada, wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay mallaayiin dollar kusoo iibisay qalabka loogu tala galay qabashada doorashada qof iyo codka, dadaalkana ay si wadi doonaan.

“Waxaan rabaa BFS inaan u sheego in dowladdu diyaarisay dhaqaale iyo qalabkii lagu hirgelin lahaa doorashada, waxaana diyaar u nahay inaan wixii cawinaad ah waydiisano caalamka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay walaaca laga muujinayay doorashooyinkan, wuxuuna tilmaamay in ka mas’uuliyiin ahaan aanay dalku gelin doonin halis, isaga oo dalbaday in lagu kalsoonaado dowladiisa iyo dadka ka shaqeynaya arrimaha doorashooyinka dalka.

“Ma jirto sabab aan dalka khatar u gelino, waxaan rabaa dadka Soomaaliyeed inaan isku kalsoonaano, kuna sii kalsoonaano dadka ka shaqeynaya doorashada. Berri haddii nala dooran waayo inaan iska baxno oo aan Gurigeena ku laabano dhib nagu ma heyso,laakiin majirto sabab aan halis u galino dalka” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday arrinta dastuurka, wxuunka baarlamaanka ugu baaqay in kalfadhigaan ay dhammeystiraan cutubyada haray ee horyaalo baarlamaanka

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleMuxuu Xasan shiikh ka Yiri aqoonsiga Soomaaliland Xili uu Baaq udiray Trump?
Next articleGalmudug oo inkabadan 35 Gadiid Dagaal iyo Ciidamo usoo Dirtay Degmada Ceelbaraf oo Alshabaab markale Qabsadeen.