Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh iyo P.M Xamze oo Dalka Dib ugu Soo laabtay(Sawiro)

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo P.M Xamze oo Dalka Dib ugu Soo laabtay(Sawiro)

0

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caawa dib ugu soo laabtay Muqdisho ee Muqdisho ka dib safar 3 cisho qaatay oo uu ku joogay dalka Eritrea.

Xassan Shiikh ayaa intii uu ku sugnaa dalkaas wadahadalo la qaatay dhigiisa Issias afewark, wuxuuna sidoo kale booqday kumanaan askari oo dalkaas loogu tababaray dowlada Somalia.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaamiyay oo booqasho rasmi ah ugu maqnaa dalka Jabuuti ayaa isna caawa ku soo laabtay dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mudadii uu joogay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti waxa uu kulamo la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdulqadir Kaamil Maxamed.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Jabuuti ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan dhinaca amniga

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Ad
Previous articleAlshabaab oo 48saac lasoo Dhaafay Muqdisho ku Dilay Dad badan
Next articleWaalidiinta askarta Eritrea ku maqan oo shaaciyey xog ay la wadaageen wiilashooda