Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan shiikh iyo Maraykan oo Ka Wada Hadlay Qaabkii Alshabaab loosoo...

Madaxweyne Xasan shiikh iyo Maraykan oo Ka Wada Hadlay Qaabkii Alshabaab loosoo Afjari lahaa

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maal-gelintooda Mudane Brian Nelson.

Madaxweynaha ayaa Brian Nelson u soo bandhigay tallaabooyinka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku wiiqeyso dakhliga iyo dhaqaalaha argagixisada kooxda Al-Sabaab.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu la wadaagay xeerarka iyo shuruucda loo jideeyey cuna-qabateynta maaliyadeed ee argagixisada iyo tallaabooyinka sirdoon ee lagu burburiyey ilaha-dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen argagixisada.

Tallaabooyinkan ayuu sheegay inay kaalin mug leh ka qaadatay oo ay soo dedejisay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhibaateynayeen shacabka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Mareynka ee cuna-qabateynta maaliyadeed ee argagixisada, doorka ay ka qaadanayaan wejiga labaad ee howl-galka dalka lagaga xoreynayo argagixisada iyo horumarka laga sameeyay barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya.

Brian Nelson ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey madaxweynaha soo dhaweynta iyo kulanka ay yeesheen, wuxuuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda gobolka iyo adduunka.

Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maal-gelintooda ayaa madaxweynaha u xaqijiiyay inay ka go’an tahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya ka hortaga lacagaha sharic-darada iyo la-dagaallanka argagixisada.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleMadaxweynaha Niger oo Hadlay kadib Afgabihii Lagu Sameeyey
Next articleNin Xafalad aroos ku Dhiganaayay Guriceel oo Dhaawac Culus la Garsiyay asaga Iyo Xaskiisa oo uu la aqal gali laha