Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh “Dadkayagu 50% ma haystaan Koronto ku filan

Madaxweyne Xasan Shiikh “Dadkayagu 50% ma haystaan Koronto ku filan

0
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha Tamarta Afrika, isaga oo ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee kordhinta tayada iyo awoodda Tamarta.

Madaxweynaha ayaa tilmaanay in Soomaaliya ay leedahay khayraad badan oo la xiriira cusboonaysiinta Tamarta, sida Qorraxda iyo Dabaylaha, kuwaasi oo Mustaqbalka noqon kara ilo muhiim ah oo laga dhaliyo Tamar saaxiib la ah deegaanka.

“Horumarka Soomaaliya ay hiigsanayso waxa uu u baahan yahay tamar jaban oo la heli karo. Maanta dadkayagu kala bar “50%”ma haystaan Koronto ku filan, sidaas awgeed waxaan qorshaynaynaa in aan xoojinno maalgashiga Tamarta, si aan awood ugu yeellano hirgelinta warshadaha, casriyeynta kaabeyaasha nolasha iyo xoojinta adeegyada bulshada” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirkan ay ku wehelinayaan Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Cabdillahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa u soo bandhigay Daneeyeyaasha caalamiga ah in ay ka qayb qaataan maalgashiga Mashaariicda Tamarta Soomaaliya oo ah suuq weyn oo dihan.

Sidoo kale, Shir madaxeedka Tamarta Afrika oo ay ka qeyb galeen madaxda Qaaradda Afrika ayaa maanta laga soo saaray “Bayaanka Daaru-Salaam”, kaas oo ah ballanqaad lagu xaqiijinayo in 300 oo Milyan oo Afrikaan ah ay helaan Koronto ku filan marka la gaaro sanadka 2030.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleFaransiiska oo gaareya Denmark si Mareykanka uusan u qabsan Jasiirada Greenland
Next articleMaamulka Puntland oo soo qabtay Ku Dhawaad 300 oo ajaaniib ah