Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar aan horay loo sii shaacin ugu ambabaxay degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
Sida ay ogaatay Mudug24, waxaa madaxweynaha booqashadaan ku wehlinaya wasiirka gaashaandhigga, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage iyo mas’uuliyiin kale.
Warararka ayaa sheegaya in qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta madaxweynaha laga dareemayo degmada Aadan Yabaal oo kamid ah meelihii ugu dambeeyay ee laga saaray xoogaga kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in aad loo adkeeyay ammaanka degmadaasi, si loo xaqiijiyo amniga madaxweynaha waxaana ciidamo dheeraad ah la geeyay halkaasiu.
Ujeedka madaxweynaha ayaa la xiriira mid uu ugu guur-galayo xaaladda degmadaas oo in ka badan 15 sano saldhig weyn u aheyd kooxda Al-Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la kulmi doono waxgaradka deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si uu uga dhageysto talooyinka ay qabaan.
Aadan Yabaal ayaa waxaa markii la xoreeyay horay ka booqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe.
Waa markiisii koowaad ee uu madaxweyne Xasan tagayo Aadan Yabaal kadib markii dagaal looga qabsaday kooxda Al-Shabaab oo lagu jabiyay howlgallada ka socda HirShabelle.
Si kastaba, madaxweynaha ayaa horay u booqday deegaano ku yaalla Shabeelaha Dhexe, sida Nuur Dugle, Masaajid Cali Guduud iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug.