Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo sifo cajiib ah ku macneeyey ‘guul darada’ Al-Shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sifo cajiib ah ku macneeyey ‘guul darada’ Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka wuxuu kala qeyb galay, isku soo bax balaaran oo lagu taageerayay halganka dib u xoreynta ah dalka ka socda.

Madaxweynaha ayaa khudbad ka hor jeediyay boqolaal dadweyne Soomaaliyeed ah oo ku nool Mareykanka, wuxuuna sheegay in awood ahaan iyo dhaqaale ahaanba looga adkaaday kooxda Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyey inuu gabagabo yahay qorshaha looga taqalusayo Al-shabaab, sida fikirka, furimaha dagaalka iyo dhanka maaliyadda oo ah seddax jiho ee dagaalka looga qaaday kooxda.

“Waxaan idin sheegaya in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka ay u kaceen iney ka xoreeyaan Argagixisada, hada waa gabagabo howlgalada lagu xoreynayo oo lagu ciribtiraayo cadawga Al-shabaab, maalmahan xaalada Shabaab-ka waxaan ku sifeeya Kaluun biyihii ka gureen oo aan sii noolaa doonin,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan ayaa ka balan qaaday shacabka Soomaaliyeed ee isugu soo baxay soo dhaweyntiisa in magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka laga furi doono qunsuliyad u adeegi doonta shacabka reer Minnesota.

“Reer Minnesota waxaan halkan la idinkaga furayaa Qunsulyad idiin adeegta, laakiin waxaan idinka codsanayaa, maadama dowladeena dagaalo ku furan yihiin inaad dhisataan xarunta Qunsulyada oo hoos tagi doonta Safaaradda, waana inaad u dhisataan dhul weyn oo maalmaha Sabtiga iyo Axad carruurta la keeni karo ee ma ahan inaad laba qol oo cariiri ah u dhisataan,” ayuu yiri hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka dalka Mareykanka, kana mid aheyd dadkii soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay in dalka Mareykanka ay kusoo dhaweyso madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

“Aniga iyo xubno kale waxaan kasoo dagi doona magaalada Muqdisho, waxaan heysanaa Madaxweyne ka shaqeynaya midnimada Soomaaliyeed, Adeer markaan ugu yeero waxa uu iigu wacaa gabartey,” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleAlshabaab oo Sabab layaab leh u Afduubtay Qoysas Fara adan
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Wasiir C.Rashiid Janan iyo Wafdigiisi oo ugu Danbayn Gaaray Degmada Dooloow(Sawiro)