Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo jeediyey khudbad xasaasi ah kana hadlay dagaalka Al-Shabaab...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo jeediyey khudbad xasaasi ah kana hadlay dagaalka Al-Shabaab iyo kan kasocda Qaza

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyey Masjidka Madaxtooyada, kadib salaadii Jimcaha, wuxuuna si qota dheer kaga hadlay dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab.

Ugu horeyn Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay inuu ka xunyahay dhibaatada heysata dadka reer Falastiin, isagoo xusay in dhibaato taas lamid ah ay Shabaab ku hayaan Soomaalida.

Wuxuu Madaxweynuhu ku dheeraaday naqdinta ficillada guracan ee Khawaarijta, isagoo muujiyey rajo weyn oo uu ka qabo in dowladda uu hoggaamiyo ay soo afjari doonto kooxdaan.

“Waxaan ku jirnaa dagaal, hadii maalin aan guul-dareysano, macnaheedu maaha inaan dagaalka ku jabnay oo aan guul-dareysanay, jidka halganka waa mid qalqalooc badan dhexda ayaan maanta ka taaganahay, waxaana gaari doonaa guusha,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in caalamka ay ka jirto xagjirnimadaan, balse Shabaab-ku ay ku tarmeen dowlad la’aantii ka jirtay dalkeena, “Sababta ay noogu bulaaleen waa in dalkeena aysan xiligaas dowladnimo ka jirin, waxaan inaan ka baxno waxaan ku gaari karnaa inaan dalkaan dowlad u dhisno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay dowladnimadu u leedahay dadka Soomaaliyeed iyo dariiqa lagu gaari karo, “In dowlad aan yeelanayo waxay ugu horeyn muhiim u tahay ilaalinta diinta suuban ee Islaamka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in Soomaalidu ay u kala qeybsan tahay qabaa’il, balse ay ka dhaxeyso diinta islaamka, halkaas ayuu sheegay in Shabaab ay naga soo galeen, maadaama ay dadkaan Soomaaliyeed mideysay diinta suuban ee islaamka.

“Diinta hadii aan loo helin dowlad ilaalisa, maalin kasta mid xagjir ah ayaa noo imaanaya, daawada mushkiladaha na heysta waxay ku soo koomayaan dowlad la’aanta ee dowladnimada aan wada dhisano,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbadaan ka jeediyey masjidka salaadii Jimcaha kadib.

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Shaqaale ka tirsan safaarada Israel oo lagu weeraray magaalada Beijing ee Dalka Shiinaha iyo Dhaawacyo Culus oo ka Dhashay Weerarkaas
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Ciidamada Dowlada oo Bilo kadib la wareegay Ruunirgood