Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Danjiraha Dowladda Turkiga u jooga Soomaaliya Ibrahim Mete Yagli.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa masuuliyiintan kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhanka amniga oo muhiim u ah dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada ay mar walba la garab taagantahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku jira halganka dib u xoreynta, dowlad-dhiska iyo horumarinta.
Dhankiisa, Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Ibrahim Mete Yagli ayaa bogaadiyay dadaallada ay Dowladda iyo shacabka oo iskaashanaya ay ugu jiraan ciribtirka kooxaha Khawaarijta ee diiddan nabadda iyo horumarka dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo hoggaaminaya dagaalka dalka looga ciribtirayo Khawaarijta, isla markaana saldhig ka dhigtay Dhuusamareeb ayaa shalay dalka Jabuuti kula kulmay wasiirka gaashaandhigga dowladda Mareykanka.
Madaxweynaha ayaa shaqadiisa oo dhan isugu geeyey hoggaaminta dagaalka, muddo ku dhow laba bilood ayuu degan yahay Dhuusamareeb, dagaalka ugu culusna wuxuu ka socdaa Galmudug.