Home Wararka Somaliya Puntland Madaxweyne Xasan Sheekh ma wuxuu Maantay xiray albaabkii wada hadalka Puntland?

Madaxweyne Xasan Sheekh ma wuxuu Maantay xiray albaabkii wada hadalka Puntland?

0

Madaxweyne Xasan Sheekh ma wuxuu xiray albaabkii wada hadalka Puntland

Maalmo kadib markii uu Madaxweyne Saciid Deni ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay wadahadal uu la galo dowladda Federaalka ah, ayaa Villa Somalia oo aan wax jawaab ah ka bixin, waxay qaaday tallaabooyin is xigxiga oo lagu magacaabay xubno ka tirsan mucaaradka Deni.

Dadka qaar ayaa ku fasiray tallaabooyinkan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu xiray irdaha wada xaajoodka, halka dhinacyo kale ay ku macneeyeen inuu Xasan Sheekh meeleeyo mucaaradka Deni ka hor inta aan wadahadalku bilaabmin.

Dhinaca kale, safarka shalay loo diiday Xildhibaan Cirro oo ka mid ah xildhibaanada ku dhow Madaxweyne Laftagareen ayaa muujinaysa in waanwaantii laga dhex waday labada dhinac aysan miradhal ahayn.

Waxaa muuqata in siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aaddan maamul goboleedyada aysan col iyo nabad toona ahayn, wuxuuse Madaxweynaha saamaynta siyaasad sumad la’aanta ah guran doonaa markasta oo maalmaha muddo xileedkiisu is guraan.

Ad
Previous articlePuntland oo sheegtay qaabka ay dooneyso inuu u dhaco wada-hadal ay la gasho Dowladda Federaalka
Next articleGudoomiye Shuute oobGo’aan Adag kasoo Saray hubka Muqdisho lagu wato